Uncategorized

Dhageyso:-Taliyaha Milatariga Soomaaliya oo sheegay in Shacab lagu laayay Bariire

Bariire–KNN– Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Dadkii lagu laayay Beer ku taalla Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ay ahaayeen Shacab.

Taliayaha ayaa Xusay in Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay Warbaahinta ka sheegeen in Dadkaas ay ahaayeen Al-shabaab,balse uu Cadeynayo in 10 Qof oo Shacab ah lagu dilay Bariire oo saddex kamida ay Carruur yihiin.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhaneystiran