Muqdisho-KNN- Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay dagaal ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
wariyaha Idaacada Kulmiye ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi Saneey ayaa ku waramaya in saraakiisha xooga ee ka qeybgalay howlgalka ay saaka ka sameeyeen deegaanka Moqokori ay sheegeen in dagaalka ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab sidoo kale na gacanta ku dhigeen hub ay lahaayeen Al-shabaab.
waxaana sidoo kale jirta in ciidmada ay dib kaga baxeen deegaanka Moqokori oo ay dagaalki saaka kula wareegeen.
Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga wariye Maxamed Cabdi Saney:-