Somali News

DHAGEYSO:-Wariye ka tirsan Idaacada VOA oo maanta lagu xiray magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta xiray Wariye C/waaxid Macalin Isxaaq oo ahaa wakiil wareedka Idaacada VOA.

Saraakiisha Ciidamada NISA ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in Wariye C/waaxid Macalin Isxaaq loo haysto war uu ku qoray Webside kaas uu kaga hadlay Dagaalka u dhaxeeya dadka deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka dhacay deegaano hoos yimaada gobolka Mudug.

Ma jiraan warar intaas dhaafsiisan oo laga helayo xariga Wariye C/waaxid Macalin Isxaaq.

Wariyaha Idaacada Kulmiye ee magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhow aan ka wareysanay Xariga Wariyaha.

Halkan ka dhageyso.