Somali News

Wasaarada Arimaha Gudaha oo maanta Muqdisho ku qabatay Aqoon is weydaarsi looga hadlayay maqaamka Caasimadaha

Muqdisho-KNN-Aqoon is weydaarsi ay soo qaban qaabisay Wasaarada Arimaha Gudaha Fedraalka iyo dib u heshiisiinta Dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Aqoon is weydaarsigaas ayaa waxay looga hadlayay nidaamyada ay ku dhisan yihiin Caasimadaha dunida, waxaana u jeedka uu ahaa sidii wax looga baran lahaa mudnaanta ay leeyihiin Caasimadaha dunida, si loo ilaaliyo maqaamka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

C/naasir Xaaji agaasimaha Waaxda Fedraalka ee Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan sedax maqaam oo Caasimadaha aduunka ay leeyihiin.

Agaasimaha ayaa yiri” Waxaa jira sedax qaab oo caalami ah oo ay leeyihiin Caasimadaha aduunka sida degmo Caasimad fedraal ah magaalada Washinton ee dalka Mareykanka oo kale ama magaalo dowlad goboleed iyo dowlada dhexe Caasimad u ah sida magaalada Barlin ee Jarmalka iyo magaalada ku dhax taal dowlad goboleed sida magaalada Otowa ee dalka Kanada

Mas`uliyiintii iyo dadkii kale ee ka soo qeyb galay Aqoon is weedaarsigaas ayaa soo jeediyay in ay muhiim tahay in wax laga barto maqaamka ay leeyihiin Caasimadaha si ay loogu dabaqo Caasimada dalka ee Muqdisho.