Uncategorized

DHAGEYSO:-Wasaarada Warfaafinta Jubaland oo xiriirka u jartay W.warfaafinta dowlada Dhexe.

Kismaayo-KNN-Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubaland Cabdinuur Cali Aadan ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay xiriirkii u jareen Wasaarada Warfaafinta dowlada dhexe ilaa laga saxaayo khalad uu sheegay in ay geysatay Wasaarada Warfaafinta dowlada dhexe.

Cabdinuur Cali Aadan Wasiirka Warfaafinta Jubaland ayaa ka mid ahaa Wasiirada Warfaafinta ee maamul Goboleedyada oo dhawaan isaga baxay shir lagu qabtay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo looga hadlayay badqabka suxufiyiinya Soomaaliyeed.

Ka bixitaankaas ayaa Wasiirada ay ku micneeyeen xaqiraad ay u geysateyn Mas`uuliyiinta Wasaarada Warfaafinta dowlada dhexe.

Halkan ka dhageyso Wasiir Cabdinuur oo arintaan ka hadlaya.