Muqdisho–KNN–Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo Saxaafadda kula hadlay Hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Saakay Aroortii la soo gaba gabeeyay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne,waxaana uu xusay in Ciidamada Ammaanka ay soo Afjareen.
Afhayeenka ayaa sheegay in Ragga soo Weeraray Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne ay gaarayeen Shan Islamarkaana Labo kamida ay Isqarxiyeen Saddex kale oo Noolna gacanta lagu hayo.
Dhanka kale waxaa Saakay laga soo saaray Hotelka Naasa-hablood 2 ee Al-shabaab ay Weerareen Meydadka tiro Dad ah oo u badnaa Dad Shacab ah oo ku dhintay Qaraxii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka sida ay noo Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammaanka.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka