Muqdisho-KNN- Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, Canshuurta iyo sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay.
Wasiir beyle ayaa shacabka Soomaaliyeed waxaa uu ugu baaqay in ay iska qabtaan dadka dalka duminaya, isagoona sheegay in dhaqaalaha dalka uu xiligan marayo meel wanaagsan.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in hadii shacabka ay ku jahwareeraan xaalada dalka ay dib u baarikaraan Page Hay’ada IMF, islamarkaana halkaasi ay kala socon karaan waxa ay ku tilmaamtay Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyada ayaa u muuqday mid weerar kuah dadka Dhaliisha u jeediya Wasaarada Maaliyada Soomaaliya.
Halkan ka Dhageyso Codka Wasiirka Maaliyada.


