Uncategorized

DHAGEYSO:-Wasiir Maareeye”wadahadalka Soomaaliya iyo Somaaliland haddii ay noqdaan mid lagu qiyaanayo Somaaliland aniga D.F.S. waan ka baxayaa”

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay wadahadalada u dhaxeeya Dowlada fedaraalka Soomaaliya iyo Soomaaliland wuxuuna sheegay in asaga uu yahay shaqsi matala shacabka reer Soomaaliland ee raba midnimada Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Dowlada uu ka midka yahay ka dalbaday in laga guulo gaaro wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Soomaaliland, wuxuuna carabka ku dhuftay haddii wadahadalka dhax mari doono Dowlada iyo Soomaaliland ay noqdaan kuwo lagu qiyaanayo Soomaaliland uu isaga tagi doono Dowlada Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso hadalka wasiir Maareeye.