Uncategorized

Dhageyso:- Wasiirka Amniga Jubbaland oo tagaya Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo

Baled-xaawo–KNN– Iyadoo Maalmahaan Magaalada Baled-xaawo Ee Gobolka gedo ay ka jirtay Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Kenya iyo Dadka Shacabka ah ee ku nool Magaaladaas ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in Baled-xaawo uu tago Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Wasiirka ayaa la kulmi doona Saraakiisha Ciidamada Kenya iyo Maamulka Degmada Baled-xaawo si Xal looga gaaro Muranka u dhexeeya Ciidamada kenya iyo Dadka Magaalada Baled-xaawo ku nool,iyadoo Murankaas uu ka dhashay Dhisme Ciidamada kenya ay Magaalada ka dhex bilaabeen.

Halkaan Riix si aad u dhageysato faah-faahinta