Uncategorized

Dhageyso:- Wasiirka Amniga oo sheegay in Xilkii laga qaaday Taliyaal Ciidan

Muqdisho–KNN– Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda ayaa sheegay in Xilkii laga qaaday Saraakiil Ciidan islamarkaana Xabsiga la dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga.

Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga ayaa Xusay in Taliyaashii Booliska iyo Nabad Sugidda Degmada Xamar-weyne Xilkii laga qaaday,iyadoo Xilka qaadistooda loo sababeeyay Weerarkii ka dhacay Todobaadkii hore Degmada Xamar-weyne ee lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka,waxaana sidoo kale u xiran Weerarkaasi 12 Askari oo ka mida Ciidamada Ammaanka oo baaris ay ku soocoto sida uu hadalka u dhigay Wasiir Islow.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Wasiirka