Uncategorized

DHAGEYSO:-Wasiirka dhalinyarada Somaliland”Waqtigan looma baahna Wadahadalo dhexmara somalia iyo Somaliland”

Hargeysa-KNN-Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo la hadlay saxaafada  ayaa waxa uu sheegay in wakhtigan aan loo baahnayn wada hadalo dhex mara Somaliya iyo Somaliland, balse loo baahan yahay Somaliya inay shaaciso in soomaaliland ay tahay dal madax banaan.

Waxaa uuna tilmaamay in soomaaliya ay aqoonsato Soomaliland,isagoona xusay si bilaa shuruud la’aan ah,inay dowlada ugu dhawaaqdo in soomaaliland ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu u Hambalyeynayay Madaxweynaha cusub ee ay yeelatay Soomaaliland,kaasi oo loo magacaabay muuse biixi Cabdi.

Hayeeshee Riyada Somaliland ayaa ah in wada hadalka labada dhinac uu noqdo laba dowladood oo siman oo deris ah,inkastoo Soomaaliya ay weli taagan tahay in soomaaliland ay ka mid tahay Soomaaliya inteeda kale.

Dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa sheegay inuu dib soo celin doono wadahadaladii u dhexeeya Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland,isagoo u hambalyeynayay Madaxweynaha Cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi,balse waxaan ogeyn dhankiisa go’aanka uu qaadan doono muuse biixi,kaasi oo ku aadan wadahadalada soomaaliya iyo Soomaaliland.

Hayeeshee Siyaasiyiinta ka soo jeeda Degaanada Soomaaliland ayaa dhowr jeer ugu baaqay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland muuse biixi inuu dib u bilaabo wadahadaladii u socday Dowlada Federaalka soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

Halkan ka dhageyso Codka: