Muqdisho-KNN-Wasiirkii hore ee arimaha gudaha xukuumadda hadda jirta Cabdi Faarax Saciid Juxa oo Magaalada London ku hadlayay ayaa waxaa uu eedo dhinacyo badan leh u jeediyay dowladda Soomaaliya ee uu mar wasiirka ka noqday.
Waxaa uu sheegay in dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay ka gaabisay wax ka qabashada howlo badan oo horyala oo uu ku shegay in ay kamid yihiin sugitanaka amniga iyo daadejinta nidaamka federalka ah.
Cabdi Faarax ayaa sheegay in uu jiro isku Milan awoodeed oo Hey’adaha Sharci dejinta iyo fulinta isku milmeen.
Waxaa uu hadalkan Cabdi Faarax ka jeediyay munaasbad ka dhacday Magaalada London, isagoona dowladda ku eedeyay in ay bur burinayan maamul goboleedyada.
Halkan ka dhageyso Warbixinta


