Muqdisho–KNN–Iyadoo Mudooyinkii ugu dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay faro-gellin ku heyso Maamulada Galmudug iyo Hirshabebelle iyo Koofur Galbeed ayaa maanta Waxgaradka Culima u diinka Haweenka iyo Dhalinyarada ka soo jeeda Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Caasimadda ee Muqdish, kulankaas oo ay sheeegeen in ujeeedka laga leeyahay uusan aheyn in dowladda la dumiyo ,balse uu yahay mid lagu doonayo in la saxo qaladadka jiro.
Waxgaradka ayaa ku celceliyay in dhibato badan laga soo maray dhismaha Maamuladaas Muruq iyo Maalna ay ku baxeen dowladduna ay isku dayeyeso in ay burburiso kolkii ay taareeri laheyd.
Mahad Cabdi Dhoore oo ah Xildhibaan ka tirsan Maamulka koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa Saxaafaddana u akhriyay Warsaxafadeed ay soo saareen Waxgaradka ka soo jeedo Maamuladaas.