Uncategorized

Dhageyso:- Waxgaradka Gobolka Sool oo Bilaabay dadaalo Nabadeed

Laascaanood–KNN– Waxgaradka iyo Cuqaasha Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa Bilaabay dadaalo Nabadeed oo lagu doonayo in lagu joojiyo Dagaal Beeleedka ka socda Degaan dhanka Koofureed ka xiga Magaalada Laascaanood.

Dagaalka halkaas ka dhacayay Maalmihii la soo dhaafay ayaa Galaaftay Nolosha Dad badan,waxaana ku dhaawacmay Dad kale oo ka badan kuwa dhintay.

Waxgaradka Gobolka Sool ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo Dirirta islamarkaana la isugu yimaado Miiska wada-hadalka,waxaana ay sheegeen in ay ku baxayaan Goobaha lagu dagaalamayo.

Sidaas si lamida waxaa dadaal Nabadeed wada Maamulada Puntland iyo Somaliland oo doonaya in ay qaboojiyaan Xaaladda ka jirta Koofurta Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Halkaan Riix si aad u dhageysato Faah-faahinta oo dhameystiran