Somali News

DHAGEYSO:-Wiil Aabihiis Xalay lagu dilay Muqdisho”Majirin shaqo iyo takano Aabahey loo dili karay”

Muqdisho-KNN-Rag hubeysan ayaa Xalay fiidkii nin ganacsada ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Cumar Mayow ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan aga gaarka wadada Dabka.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa la dilay xili uu soo korayay dalacada Wadada Dabka kana yimid dhanka iyo isgoyska Bakaaraha, waxaana dilay Wiil yar oo bastoolad ku hubeysan sida Wiilkiisa uu u sheegay Idaacada Kulmiye.

Goobta lagu dilay AUN Xasan Cumar Mayow ayaa waxaa dhowr talaabo u jiray Ciidamo ka tirsan NISA oo qaarkood la sheegay in ayaga goobta ay ka carareen halkii ay ka qaban lahaayeen Ninka dilka geystay.

AUN Xasan Cumar Mayow ayaa wuxuu ahaa Ganacsade ka shaqeynayay goob ganacsi uu asagu lahaa kuna iibinayay Waxyaabaha Far shaxanka ah, sida KNN uu u xaqiijiyay C/qaadir Xasan Cumar.

C/qaadir  ayaa sidoo kale yiri” Majirin shaqo Aabahey loo dili karo oo uu qabanayay ama takano uu qabay”

Halkan ka dhageyso C/qaadir Wareysi uu siiyay KNN.