Somali News

DHAGEYSo:-Xal laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Maamulka Baraawe.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha  Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya  Xasan Cali nuur Shuute iyo wafdi uu   hoggaaminayey ayaa wax ay kulan la yeesheen Madaxda  Maamulka degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay  xalinta muranka  dhinaca maamulka ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhex  jiray Maamulka  degmada Baraawe, Iyadoona arintaasi ay keentay in ay soo farageliso dowladda Soomaaliya.

Cabdi fitaax Maxamed Nuur(Sandheere)  oo ah Guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa sheegay in meel fagaaro ay xilalkii ugu kala wareegeen  guddoomiye ku xigeenada degmada oo uu markii hore khilaafka uu ka dhex dhexeeyay.

Cabdullaahi Buule kameey  Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay inay diyaariyeen qoraalo ay kala saxiixdeen  labada masuul.

Waxaa uuna tilmaamay xeer ilaaliyaha in dhawaan ay arintaasi u gudbin donaan  Madaxda dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xal laga gaaray khilaafka ka jiray Masuuliyiinta Degmada Baraawe xal waara laga gaaray.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in wax la yaab ah ay ku noqotay in qof ka maqan magaalada uu qaso Maamulka Degmada Baraawe, taasi ayuu sheegay in arin cajiib ah ay tahay.

Halkan ka Dhageyso Codka Gudoomiye Shuute.