Uncategorized

DHAGEYSO-Xildhibaan Dalxa oo walaac ka muujiyay Awooda Dowladda Dhexe iyo Tan Maamul gobaleedyada oo is bar bar socoto.

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa walaac ka muujiyay awoodaha is bar bar socda ee Dowladda dhexe iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada taas oo saameyn ku yeelan karta jiritaanka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

Prof Dalxa ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay la soo baxeen awood la mid ah tii dowladda dhexe, iyadoo dowladii ay rabaan heshiis la geli kara, kuwii ay doonaana xiriirka u jari karaan.

“Federaalka micnaha iyo ujeedka laga lahaa meel ka baxsan ama ka duwan ayuu u muuqda in uu ku socda maanta awoodii dowladda dhexe iyo tii maamul goboleedyada mid siman ayay u muuqdaan, hadii dowlad kale xiriir la yeelan karto ama xiriirka u goyn karto maamul goboleedyada awood la mid noqoneysa dowladda dheexe soo ma noqoneyso”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maamulada Puntland, Soomaaliland iyo Hirshabeelle ay sheegeen in ay Xariirka u jareen Qadar islamarkaana ay sheegeen in ay taageersan yihiin Xulifada Sacuudiga waxa uuna dhabar jab ku yahay go’aanka maamulada kii ay qaadatay Dowladda dhexe ee ahaa in ay dhex dhaxaad ka tahay Khilaafka Wadamdaa Khaliijka.

Hoos ka dhageyso Xildhibaan Dalxa.