Muqdisho-KNN-Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale ka mid Xildhibaanada ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa walaac ka muujiyay Xiisadda iyo isku dhacyada ka taagan Xadduuda degmqda Belad-Xaawo ee gobalkaasi Gedo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirada shaqada ku leh arimaha taagan ayna kala hadlayn in ay Dowladda cadeyso mowqifkeeda ku aadan Xaaladda Belad-xaawo.
Waxa uu u mahad celiyay Xildhibaan Faarax Shacabka ku nool Belad-Xaawo ee dhagxaanta ku dagaalamaya kuwaas oo difaacaya Dhulka Soomaaliya.
Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan.