Uncategorized

Dhageyso:- Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Baaq u Diray Madaxda Dowlada.

Cadaado-KNN-Qaasim Maxamed Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa uu  ka hadlay dhibaatada xiligan ka jirta deegaanada galmudug,kaasi oo ku aadan Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxaa uu Madaxda Ugu Sareysa ee Dowlada Soomaaliya ugu baaqay in fara gelinta ay ka dhaafaan Maamulka Galmudug,isaganoona Sheegay in Xiligan Shaqsiyaad dano gaar ah ka heli arimaha galmudug ay qeyb ka qaadanayaan Bur-burinta dhismaha Maamulkaas.

Xildhibaan Qaasim ayaa waxaa uu Sheegay inaan marnaba loo dulqaadan kari dhibaata ka jirta Deegaanada Galmudug,Isagoona Soo Hadal Qaaday Abaaraha ka jira Deegaanadaas,haatan aan loogu dari Karin in laga shaqeeyo dhibaateynta shacabka ku nool deegaanada Galmudug.

Halkan ka dhageyso Codka Xildhibaan Qaasim Maxamed Cali.