Muqdisho-KNN-Khilaafka ka dhex aloolsan Xubnaha Golaha shacabka ee ku aadan mooshinka Jawaari halka uu salka ku hayo ayaa ay xildhibaanada ku kala qeybsan yihiin.
Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ah mudane ka tirsan Golaha shacabka una waramay KNN ayaa waxaa uu sheegay in shirkadda DPWolrd ee 12-kii bishan Baarlamaanka soo saaray xeer dalka looga mamnuucayo ay ka dambeyso xiisadda ka dhex taagan xubnaha Golaha shacabka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in DPWorld ay gadaal ka riixeyso mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawari sidoo kalena ay ka dambeyso ciidanka la geeyay xarunta golaha Shacabka.
Halkaan ka dhageyso.