Somali News

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka hadlay cabasho ka soo yeertay ciidamada Xoogga.

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacab ee Baarlamaanka soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu ka hadlay Cabasho maal mahan ay muujinayeen ciidamada Xoogga dalka, kaasi oo ku aadan in wax mushaar ah aysan qaadan.

Xoghayaha ayaa waxaa uu sheegay in hada tiro koob lagu wado ciidamada xoogga, islamarkaana dhawaan mushaarkooda la siin doono.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka Xoogga dalka markasta uu u taagan yahay in Ummadda Soomaaliyeed uu ka badbaadiyo khatar walba oo dalka gudahiisa ama dibadiisa ah, ayna u dhaarteen in dalkooda ay nafta u huraan.

Halkan ka Dhageyso xildhibaanka.