Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay wadaan Mooshin ka dhan ah hashiiskii Dekada Magaalada Barbara, maalmihii dembe ayaa waxaa isa soo tarayay hadal haanta heshiiska Dekada Barbara oo u dhaxeeyay Shirkada laga leeyahay Imaaraadka ee Dp World, Soomaaliland iyo Dowlada Itoobiya, kuwaas oo ku hashiiyay saami qeybsiga Dakhliga Dekada Magaalada Berbara.
Dowlada Soomaaliya ayaa heshiiskaas horay ugu timid iyadoona ku tilmaantay in uu yahay mid sharci daro ah isla markaana habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay wadaan Mooshin ka dhan ah heshiiska Dekada Magaalada Berbara.