Uncategorized

Dhageyso:-Xildhibaanada Hirshabelle oo Maanta lagu bilaabay Baaritaan

Jowhar–KNN– Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo badan Saakay la dhigay Hoolka ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle,waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaanka Xarunta.

Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay Guud ahaan Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabelle,iyadoo Maanta Xarunta ay Qudbado ka jeedin doonaan Illaa 5 Musharax oo ka mida Musharaxiinta u ordaya Xilka Madaxweynaha Hirshabelle.

Xildhibaanada Hirshabelle iyo Sidoo kale Musharaxiinta Xilka Madaxweyne ee Maanta Qudbadda Jeedin doona ayaa lagu Wargeliyay dhamaan in Maanta Baaritaan lagu sameyn doono marka ay galayaan Hoolka si Ammaanka loo Xaqiijiyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wararkii ugu Dambeeyay