Uncategorized

Dhageyso:-Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo War ka soo saaray Khilaafka Madaxda Galmudug

Muqdisho–KNN–Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Maamul Gobolleedka Galmudug oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka ayaa ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf,Madaxweyne Kuxigeenkiisa iyo Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ka xun yihiin Khilaafka soo kala dhexgalay Hogaanka Maamulka Galmudug,waxaana ay Xuseen in Xilligaan aan loo baahaneyn Khilaaf soo kala dhexgala Madaxda Galmudug,Maadaama Galmudug ay ka jirto Abaar adag oo saameysay Nolosha dad badan oo ku nool Degaanada Maamulka Galmudug.

“Waxaan ugu baaqeynaa Madaxda Maamulka Galmudug in Khilaafka u dhaxeeya ay ku Xaliyaan Dastuurka Galmudug ,waxaan leenahay Dib yaan naloo celin oo Galmudug yaan la burburin,maadaama hadda ay aheyd markii Madaxweyne Cusub la doortay”ayey dhaheen Xildhibaanada Galmudug ee Muqdisho ku shiray.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen Xildhibaanada Maamulka Galmudug ee Muqisho kulanka ku yeeshay in isla maanta ay baxayaan oo ay tagayaan Cadadaado si Khilaafka jira Xal loogu helo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Xildhibaanada