Muqdisho-KNN- Xildhibaan Canab Xasan Cilmi iyo Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Eedeen kulul u soo jeediyay xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaanada ayaa sheegay in ay maanta Xukuumadda isbaaro u dhigatay kulankii Xildhibaanada ay ku yeelan lahaayeen Golaha Shacabka.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Xukuumadda ay wadooyinka ka xirtay Xildhibaanada qaarkoodna loo diiday in ay soo gaaraan Xarunta Golaha Shacabka, sidoo kale waxa ay sheegeen in Xildhibaano sidoo kalane Wasiiro ah ay Madasha joogeen Islamarkaana ay diideen in ay saxiixaan Buugga Xaadirinta taasina ay sababtay in kulanka u baaqdo Kooram la’aan.
Dhinaca Kale Xildhibaanada kala ah Ubax Tahliil Warsame, Daahir Amiin Jeesow, Daahir Cabdi C/llaahi “Dr Goo” iyo Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waabiri oo Wariyaasha la hadlay ayaa Xildhibaanada Xukuumadda eedeen u soo jeediyay ku tilmaamay Qaran Dumis iyagoo sheegay in aysan jirin Xukumad kulanka Golaha Shacabka soo fara-gashatay.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku kala qeybsamay go’aanka ay Xukuumadda Soomaaliya 6-dii Bishaan ka qaadatay C/kariin Shiikh Muuse “Qalbi Dhagax” oo ay Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Ethiopia.
Hoos ka dhageyso Codadka Xildhibaanada Qaar ka mid ah