Uncategorized

(Dhageyso):-Xildhibaano ka tirsan labada gole oo Shir deg deg ka yeeshay Xariga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur

Muqdisho-KNN-Xidlhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada muqdisho ayaa waxaa ay kaga hadleen Xariga loo geystay Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ahaa musharixiintii la tartamay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,islamarkana xalay lagu qabtay Weerar lagu qaaday hoygiisa ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkii lagu qaaday Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa ku dhintay 5 Askari,oo ka mid ah ilaaladiisa,waxaana ku dhaawacmay isla Siyaasiga la weeraray.

Sanetar Yuusuf geelle Ugaas oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu Sheegay in weerarkaasi lagu qaaday Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur uu ahaa mid Qorsheysan oo lagu beegsanayay Siyaasigaasi.

Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta inta badan dhaliila Dowlada uu hogaamiye Madaxweyne Maxamed Cabullaahi Farmaajo,Waxaana Xarigiisa ka hadlay Xildhibaano ka Tirsan Golaha Shacabka,kuwaasi oo xarigiisa ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Halkan ka dhageyso;