Uncategorized

DHAGEYSO:-Xubnihii Soomaaliya u dirtay wadahadaladii u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya oo maanta la kulmay Shacabka Beladxaawo.

Beladxaawo-KNN-Xubnahii Soomaaliya ku matalayay wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadanay xiisadii ka taagneed degmada Beladxaawo ee gobolka Gedo oo dowlada Kenya ay ka dhiseysay derbi ayaa maanta la hadlay shacabka degmada Beladxaawo kuwaas oo ahaa kuwii ka dhiidhiyay dhismaha derbigaasi.

Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Muxumad Maxamed, sidoo kalena ahaa mas`uulkii hogaaminaayay xubnihii Soomaaliya ku matalayay wadahadaladaasi oo wareysi siiyay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in shacabka Beladxaawo ay la wadaageen natiijadii ka soo baxday wadahadaladii, iyo in xal laga gaaray xiisadii ka taagneed Beladxaawo.

Halkan ka dhageyso Gudoomiye Maxamed Muxamad.