Uncategorized

DHAGEYSO:-Xukuumadda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay Xilal u balanqaaday Xildhibaanadda si ay u ridaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Muqdisho-KNN-Xukumada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii Xilka looga tuuri lahaaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo Xildhibaanno ka tirsan Golaha ay Mooshin ka gudbiyeen.

Maalmihii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya Hay`adaha Sharci dajinta iyo Fulinta, taas oo hadda la tilmaamayo in hay`ada fulinta ay waddo balanqaadyo ay u fidineyso qaar ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya, si meesha looga saaro Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulaahi oo loo yaqaano Dr.Go, kana tirsan xubnaha Golaha Shacabka oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa xukumada fedraalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku soo jiitaan xildhibaanada isla markaana ay bixinayaan balanqaadyo ku aadan xilal iyo lacago.

Halkaan ka dhageyso xildhibaan Dahir oo arimahaas ka hadlaya.