Somali News

DHAGEYSO:- Xuska Maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabta

Muqdisho-KNN-Maanta oo ah 12-ka Oktoober ayaa ku beegan sannad guuraddii 64 aad ee helida Astaanta ama Calanka  Qaranka Soomaaliyeed, iyadoona Dad badan aysan ogeyn ahmiyada ay leedahay maanta oo kale.

Calanka Waxaa la sameeyey Taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana sameeyey ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa nin wadani ah ayaa in badan oo Shacabka Soomaaliyeed ah aysan aqoon magaciisa iyo waliba Muuqaalkiisa.

Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu weynaynayo maalinta Calanka Soomaaliya, iyadoona ay ka qeyb galeen Wasiiro, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Marti Sharaf kale oo munaasabada lagu casuumay.

Wasiirka Dhalin yarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriya ayaa waxaa ay ka sheekeysan Ahmiyada uu leeyahay Calanka Soomaaliya iyo sida Bulshada looga baahan yahay in aan ku faanaan calankooda.

Halkan ka Dhageyso