Uncategorized

Dhageyso;Dibad bax looga soo hor jeedo dhulboobka Kenya ka wado Gedo oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada.

KNN-Muqdisho-Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin Balad-xaawo Beec ma ahan waxayna ka dalbadeen Madaxda Dowladda Soomaaliya in ay ka hadlaan dhibaatada lagu haayo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaladda Balad-xaawo.

Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale watay Boorar ay ku qoranyihiin erayo ka dhan ah Dowladda Kenya iyaga oo sidoo kale sheegayay inay ka soo horjeedaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhax jira Dowladda.

Shacabka dhigayay Dibad baxa ayaa sidoo kale sheegayay in Badda iyo Bariga Soomaaliya aysan iib aheen iyaga oo tusaale u soo qaatay Dekedda Berbera iyo Boosaaso oo lagu wareejiyay Shirkada DP World oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta.

Halkaan ka dhageyso Codka Dibad Baxayaasha.