Gudoomiyha Gobalka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo xalay kormeeray qeybo ka mid ah Dagmooyinka Gobalka Banaadir ayaa ka hadlay Xaaladda Amni ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobalka ayaa tilmaamay in gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo inay ka danbeeyeen Dilkii xalay islamarkaana baaritaano ay ku socdaan.
Gudoomiyha Gobalka ayaa dhinaca kale ka dalbaday Shacabka Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaateen sidii ay kaga shaqeen la haayeen sugida Amniga Magaladda Muqdisho.
kooxo Hubeesan ayaa xalay waxa ay dil ka geesteen dilka xaafada kootka ee degmada Xamar weyne waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dhalinyaro ku hubeysan bistoolado ay ku dileen ganacsadaha kadibna ay iskaga baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay waxaana shaqsiga la dilay lagu magacaabi jiray Muuse Mackow uu kamid ahaa ganacsatada qudaarta ee degmada xamar weyne.