Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ugu baaqay dadka Dibad baxyada sameynaya ee ka mudaharaadaya Xasuuqii Zoobe in ay u banaan baxaan si nabdoon oo aysan sameynin Fowdo iyo Rabshado keeni kara waxyaabo aminga qatar ku ah.
Sidoo kale Wasiir Yariisow ayaa Sheegay in Shacabka ay is dejiyaan oo ay sameeyaan Banaanbax nabad galyo la socoto,isagoona xusay in Banaanbaxayaasha ay dhibaatooyin geysanayaan taasina ay caqabad ku tahay amniga dalka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socoto howlaha Gurmadka ah ee loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay Musiibaddii ka dhacday KM5 ee Magaaladda Muqdisho.