Muqdisho-KNN-kadib mashquul iyo Saxmad badan oo saameeyay isu socodka Gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Soobe isticmaala ayaa arintaasi waxay dhalisay maamulka gobalka Banaadir uu dhagxaan waa weyn ku xero wareegga Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada iyo maamulada degmooyinka Hodon iyo Wadajir ayaa xalay fuliyay Amar ay sheegeen in uu kasoo baxay Madaxda gobolka Banaadir oo ahaa in dhagaxaan lagu jarayo Isgoyska Soobe.
Gaadiidka raba in ay aadaan Buulo Xuubeey ayaa ka soo wareegaya Al-baabka Wasaaradda Arimaha Dibadda halka gaadiidka raba in ay aadaan Banaadir ay kasoo wareegi doonaan Laamiyaraha Zoobe ee Muqdisho.
Wareegga Isgoyska Soobe ayaa markii hore waxaa taagnaa Ciidamo taraafik oo ilaaliya Saxmadda Gaadiidka balse waxay u muuqataa iney u xaal waayeen, halka dadka qaar sheegayaan in aananba waayahaan la geynin Ciidamo Ilaalada wadooyinka Isgoyska Soobe.


