Somali News

DHAGYESO:-Isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirada ee Hirshabelle.

Jowhar-KNN-Muran xoogan ayaa ka taagan isku shaandheyn la rabo in lagu sameeyo Golaha wasiirada ee maamulka Hirshabeele.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw madaxtooyada Hirshabelle ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in sedaxdii maalmood ee la soo dhaafay dib loo celiyay dhowr liis oo uu soo saaray madaxweynaha, kadib markii culeys lagala kulmay xubno ka tirsan Baarlamaanka hirshabelle iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda beelaha daga Gobolada Shabeelaha  dhexe iyo Hiiraan oo maamulka Hirshabelle uu ka kooban yahay.

culeyska ugu badan waxaa uu ka imaanayaa xildhibaanada, waxaana jira xildhibaano gaaraya  40 mudane oo madaxweynaha uu u balan qaaday in ay ka mid noqonayaan wasiirada cusub ee ku soo darayo xukumadiisa, taa badalkeedana iyaga laga dalbaday in ay ka laabtaan mowshinkii dhawaan laga keenay madaxweynaha, waana kuwii  ka laabtay laba maalin kadib markii ay gudbiyeen.

Wasiirada hada jira oo shaqeynaya mudo 10 bilood ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa 67, mana helin wax xuquuq ah mudadaas ay shaqeynayeen marka laga reebo in lacago loogu sheegay in ay tahay guno, taasi  oo gaareysa kun doolar,kadib markii  shirkii ugu horeyay ee ay yeesheen Golaha wasiirada mowshinkii madaxweynaha kadib.

Arintaasi ayaa  waxa ay su’aal gelisay sida lagu qancin karo wasiirada badan ee soo shaqeeyay mudadaas dheer, iyagoon xuquuq helin hadana la rabo in ay ku haraan isku shaandheynta.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamad Cabdi Waare ayaa dhinaciisa waxaa uu ku xisaabtamayaa in sidii xildhibaano badan ay kaga mid noqon lahayeen Golahiisa wasiirada si ay difaac adag ugu noqdaan mowshin ka yimaada baarlamaanka.

Mashquul badan ayaa ka jira madaxtooyada maalmahan, waxaana laga dhowr sugayaa nooca ay noqon doonto isku shaandheynta la rabo in lagu sameeyo Golaha wasiirada ee Maamulka Hirshabelle.

Halkan ka Dhageyso;-