Somali News

Dhalin yaro badan oo lagu qabtay howlgal laga fuliyay Balcad.

Balcad-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in xalay ciidamada ammaanka ay howlgalo  ka sameeyeen degmadaasi.


Howl-galladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa laga fuliyay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in howlgalka dhalin yaro badan lagu soo qabtay, islamarkaana qaarkood ay ka xeysteen ciidamada amaanka.


Ciidamada ayaa howl-galka ku qabtay ku dhawaad 100 Ruux, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in dadkan la soo qabtay baaritaano lagu sameynayo, islamarkaana cidii lagu helo in ay falal amni ka geysta Degmada ay sharciga horgeyn doonaan.