Somali News

Dhalin yaro sheegay in aysan ku lug laheyn weerarkii Nairobi oo isku dhiibay Booliska kenya.

Muqdisho-KNN-Didu Mohamed Fugicha, Boru Abdi Bidu iyo Ramadhan Wario Bonaya ayaa si ay u muujiyaan in aysan ku lug lahayn Weerarkii Magaalada Nairobi ka dhacay 15kii Bishaan waxay isku dhiibeen Ciidanka Argagixiso la dirirka ee Kenya e ismaamulka Isiolo.

Ragaan ayaa isa soo dhiibay kadib markii ay ciidanka Amaanku shaaciyeen Sawiradda Lix ruux oo la tuhunsanyahay in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Al-shabaab ay Nairobi ka geeysteen islamarkaana aad loo doon doonayo.

Sedaxdaan nin ayaa Booliisku waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya u soo safreen, laakiin Waalidiintood oo shalay la tagay Qaybta baarista Dambiyadda ee Isiolo ayaa waxaa ay sheegeen in dhalintoodu aysan Dambi lahayn.

Balse wargeyska the standard ayaa sheegay  in mid ka mid ah Waalidiinta uu aqbalay in wiilkiisu uu Soomaaliya u soo safray Sanadkii 2016kii.

“Haa, waan u sheegay Booliiska in wiilkeeygu uu Soomaaliya u safray si uu ugu biiro Al-shabaab, laakiinse uu markii dambe ka soo laabtay” ayuu oday waayeel ah u sheegay the standard.

Baaritaan la xiriira Weerarkii Nairobi ee ay ku dhinteen 21 ayaa waxaa uu aad ugu baahay Goboladda Soomaaliya soo xiga ee Kenya.

Waxaana dib loo raacay raadka dad badan oo la tuhmay in ay Al-shabaab ka Tirsanyihiin.

Dad badan oo qaarkood Warbixintooda la wadaagay Bulshadda ayey wali baadi goobayaan Booliiska Kenya.