Uncategorized

Dhalinyaro Soomali ah oo lagu eedeeyay Burcad badeednimo oo laga sii daayay Xabsiyada India.

Muqdisho-KNN- Ugu yaraan 15 Dhalinyaro Soomaliyeed oo loo heystay Dambi Burcad Badeednimo oo loo qabtay January sanadkii 2011 ayaa laga sii daayay xabsi ay ku xernaayeen oo Ku yaala dalka India.

Maxaabiista Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiga ku yaala india ayaa waxaa ay dhameysteen mudo lagu xukumay oo aheyd 7-sano oo xabsi ah.

Sanad ka hor ayaa qareeno waxaa ay u qaadeen racfan ahaa in laga sii daayo xabsiga lagana cafiyo mudada u dhiman,balse maxkamda ku taala dalkaasi india ayaa amartay in ay dhameystaan mudada uga harsaneyd xabsiga.

15-ka dhalinyaro ee Soomaalida ah lagana sii dayay xabsiga india ayaa wali ku sugan dalkaasi Gaar ahan koonfurta magaalada Mombai , meel u dhaw xarun boolis iyagoona sugaya sida la sheegay 27- kale oo xabsigooda ka harsan tahay maalmo kooban kadib ayaana la sheegay in lagu wareejin doono safaarada Somalia ee Dalka India si Somalia dib loogu soo celiyo.

23  bisha labaad ee sanadkaan ayaa sidoo kale lafilayaa in sidoo kale lasoo ciliyo Dhalin yaro kale oo wadankaas india ku xeran xabsiyo ku yaala.

Dhalinyaradaan laga soo daynaayo xabsiyada ku yaala wadanka india ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu horeeyay oo soomaali ah oo laga sii daayo xabsiyada wadankaasi.