Somali News

Dhalinyaradii ugu badnaa ee Soomaali ah oo sanadkan lagu dilay London.

Muqdisho-KNN-Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sanadkan dhamaadka ah Tooreey lagu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed kuwii ugu badnaa .

Sida lagu baahiyay Telefishinka BBC-da 12-ka wiilal Soomalaiyeed ayaa ilaa iyo imika magaladaasi London lagu dilay iyadoo Tooreey loo adeegsaday dilalkooda.

Waxay ka dhigantaa in bishiiba wiil dhalinyaro Soomalaiyeed ah lagu dilay halkaasi.

Waalidiinta aya arintaasi walaac badan ka qaba xaaladda dilalka ah ee dhalinayarada loo geysto.

Waalidiinta qaar ee ubadkooda lagu dilay ayaa sheegay in loo baahanyahay in caruurta lagu barbaariyo London loo baahanyahay in aad loo iaaliyo.

Inkasta oo kiisaska dilalka Tooreeyda loo adeegsado ku abteen si guud Ingirisika ayaa hadana dhalinyarada Soomaaliyeed waxay qabaan in ay tani tahay mid iyaga lagu ugaarsanayo.

Sido kale waxaa jira dad doonaya in ay ilmahood akala baxaan maagalaaad London sabab la xiriirta diallkaasi.