Uncategorized

Dhalinyaro ka tirsaneed Shaqaalaha Madaxtooyada oo ka soo dhaxmuuqday Maamulka Cusub ee G/Banaadir.

Muqdisho-KNN-Labo ka mid ah Mas’uuliyiinta Cusub ee maamulka Gobalka Banaadir ee maanta la magacaabay ayaa ahaa Kaaliyeyaasha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada iyo Xoghayaha Guud maamulka Gobalka Banaadir ee ka soo dhaxmuuqday Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna mid ka mid ah hadda safarka ku wehlinayaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Maxamed oo loo yaqaano Maxamed Tuulax oo loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada ayaa hore u ahaa Hab mamauuska Madaxweyne Farmaajo, Tuulax ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii ka qeyb qaatay ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo, isagoo ahaa dhalinyaradii Baraha Bulshada sida weyn ugu taageerayay Madaxweyne Farmaajo sida ay noo sheegeen dad ku dhaw dhaw Xafiiska Madaxtooyada.

Sidoo kale Cumar C/risaak Xuseen oo loo magacaabay Xoghayaha Guud ee maamulka G/Banaadir ayaa hore uga mid ahaa Xogheynta Ra’iisul Wasaare Kheyre, Xoghaya Cusub ee Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale la sheegay in uu ka mid ahaa kooxdii ololaha Madaxweynaha Soomaaliya.

Dad badan ayaa aaminsan in ay yihiin dhalinyaro firfircoon, laakiin waxa su’aal badan laga keenayaa qibradooda shaqo, maadaama xilalka loo magacaabay ay yihiin kuwo culus.

Siyaasiinta ku nool magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah aqoonyahaanada ee yaqaana dadka la magacaabay ayaa sheegaya in dhalinyaradaan ay yihiin rag fir fircoon balse shaqada loo baahan yahay ay tahay mid u baahan qibrad iyo waayo aragnimo siyaasadeed, sidoo kale dadka qaar ayaa aaminsan in dhalinyaradaan ay u muuqdaan dad goobta la keensaday balse wax qabadka iyo shaqada xoogeeda ay ka imaan doonto Xafiiska R/W Soomaaliya iyo Guddoomiyaha gobalka oo ah shaqsi ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya.