Somali News

Dhalinyaro ku biiray dagaalamayaasha AL-shabaab

Mas’uuliyiinta Magaalada Lamu ayaa sheegay in tiro yar oo dhalinyarada magaalada ay sanadkaan ku biireen Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab iyagoo ka gudbay xadka ay wadaagan Kenya iyo Soomaaliya.
Warbixintaan waxaa si rasmi ah looga soo saaray xafiiska Gudoomiyaha Magaalada.
Booliska Lamu ayaa sheegay in ay si weyn ula taacaleen inay kordhaan dhalinyarada Kenya ka baxaysa ee ku biireysa dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.


sameynta 4sano ka hor Guddi u xilsaaran la dagaalanka xagjirnimada ayaa warbixintu tilmaamtay inay ka qeyb qaadatay inay kordhaan muwaadiniinta Kenya ka baxaysa ee ku biireysa Al shabab
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale carabaabay in weerarada iyo howlgalada laga fuliyo keynta Booni iyo deegaanada ku dhow ay sidoo kale yareeysay dhalinta ka tilaabaysa xadka Soomaaliya.


Gudoomiyaha Magaalada Lamu Irungu Macharia ayaa u sheegay warbaahinta sanadkaan aad u yaraaday dhalinyarada degaanadooda kabaxaya ee Al-shabab ku biiraya marka loo eego macluumaadka sirdoon iyo iskaashiga shacabka ay leeyihiin oo looga hortagay isku dayo badan oo dhalinyaro ay ku doonaayeen inay kubiiraan kooxaha Somalia ka dagaalama.