Uncategorized

Dhalinyaro ku dhaawacantay Gaari ku rogmaday gobolka Mudug

Muqdisho-KNN-Sedax ruux ayaa ku dhaawacantay kadib shil gaari oo ka dhacay deegaanka Wasil ee gobolka Mudug.

Dhaawaca Sedax ruux ayaa ka dhashay Gaari yar oo ay la socdeen dhalinyaro oo ku rogmaday waddo marta deegaanka Wasil ee gobolkaasi, sida wararka laga helaayo deegaankaasi ay tilmaamayaan.

In gaariga uu rogmado ayaa loo sababeeyay kadib markii darwalka uu oo si xowli ah u waday Gaariga isla markaana uu wadada si lama filaan uga baxay iyo waddooyinka oo burbursan oo sii kordhinaya tirada shilalka ka dhaca deegaannada gobolka Mudug.

Warar hoose oo ay helayso Idaacda Kulmiye ayaa sheegaya in aad ay u liitaan laba ka mid ah dhalinyaradaan dhaawacantay.