Uncategorized

Dhalinyaro lagu afduubtay Garowe oo la siidaayay

Garowe-KNN-Waxaa maanta dib xuriyadoodii u helay laba dhalinyaro oo afduub loogu haystay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, kuwaas 10 cisho ka hor laga afduubtay Hoteyl ku yaala magaaladaasi.

Odiyaal, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb qaatay deysmada dhalinyaradaasi ka yimid magaalada Burco ee gobolka Togdheer, isla markaana magaalada Garowe u soo doontay Baasaboorka Soomaaliya.

Afduubka loo geystay dhalinyaradaan ayaa salka ku haysa nin ku xiran magaalada Burca oo ay yimaadeen dhalinyaradaani, kana soo jeeda gobolka Nugaal, sida wararka qaar ay tilmaamayaan.