Koonfur Afrika-KNN-Wararka nagasoo gaaraya Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in dib loo helay dhalinyaradii Soomaalida ahayd ee lagu waayay magaalada Soweto oo dalkaasi Koonfur Africa
Dhalinyaradan oo saddex ahaa ayaa lagu waayay dagaal shalay gelinkii dambe ku dhex maray magaalada Soweto Koox Burcad Koonfur Afrikaan ah kuwaasi oo boob ka gaysanayay Dukaamo ay leeyihiin ganacsato isugu jirta Soomaali Itoobiyaan,Bangaaladheesh iyo qaar kale oo ajaanib ku ahaa dalkaas
Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee Koonfur Africa Maxamed Cumar Talyaani iyo Guddiyo kale oo isku xilsaaray baadi goobka dhalinyarada la waayay ayaa sheegay in ay soo heleen iyaga oo caafimaad qaba
Waxana ay sheegeen in ay gabbaadsadeen guryo ku dhawaa goobahoodii ganacsi ee la boobay isla markaasina ay hadda nabad qabaan
Xaaladda magaalada Soweto ayaa hadda ah mid deggan, inkastoo ay Burcaddii boobka waday ay cagta mariyeen goobo ganacsi oo fara badan