Uncategorized

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu dilay London.

London-KNN-Koox ku hubeysan midiyo ayaa dhalinyaro Soomaaliyeed ku weerartay magaalada London ee dalka Ingiriiska laba wiil ayaa dhimatay mid kalana waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana hadda lagu daweynayaa isbitaal ku yaala magaalada London.

Wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in laba wiil ee Soomaali ah xalay fiidkii siyaasabo kala duwan loogu dilay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halka mid kalena dhaawac culus soo gaaray.

Ciidamada Booliska magaalada London ayaa goobta ay dilalka ka dhaceen waxay ka sameeyeen baaritaano, waxayna la wareegeen Meydadka Soomaalidii la dilay, baaritaano horudhac ah oo ay sameeyeen Booliska ayaa waxa ay sheegeen dilalkan in ay geysteen koox mindiyo ku hubeysan.

Soomaalida ku nool magaalada London ayaa walaac xoogan ka muujiyay dilalka loo geysano dhalinyarda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladaasi, dilalka nuucaan oo kala ah ayaa ah kuwoo inta badan ku soo lab laabtay London.