Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya waxaa shalay lagu aasay, gabadh dhalinyara ah oo ka mid aheyd saddex qof oo Soomaali ah Jimcihi lagu dilay deegaan ka tirsan Galbeedka Kenya.
Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay dileen dad careysnaa oo watay budad iyo seefaf.
Dadkaasi ayaa sidoo kale dhaawac u geystay ilaa 7 dhalinyaro Soomaali ah oo la socday gaadiid ay saarnaayeen dadka la dilay.