Uncategorized

Dhamaan Caalama Islaam oo u dabaaldagaya Maalinta Kowaad ee Ciidul Adxa

Dunida caalamka ayaa maanta si weyn looga ciiday iida carafo,xujeeyda malaayiinta qof gaareysa ayaa maanta salaada iida kadib waxa ay u dareereen dhinaca dhagaxtuurka kadibna waxaa ay sii guda galayaan inay xoolaha gowracaan ayna madaxa xiirtaan.

sandkaan hadalheynta ugu  badan ee khalijka ayaa ah muranka sacuudiga iyo qadar inkasto muwadiniinti ugu badneyd ee qatar sandkan ay xajiyeen marka loo eego sandihi lasoo dhaafay.
Si wadajir ah ayaa masaajiyada barakeysan looga doceeyay wadamada islaamka ay colaadaha ka jiraan.
Dhinaca iyo dhulka Falastiin kumamaam qof ayaa la arkaayay oo barxada weyn ee masjidul qudus ku tukanaya iydoona kaamiroyinka wax duuba ay so bandhigayen ciidamo badan o israel ah oo halkasi si weyn loosoo dhoobay.
Dhamaan madaxda caalamka islaamka ayaa shacabkoodi kala hadlay tvyada qaranka iyagoo ugu hambalyeyay munaasabada iida