Jowhar-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Basra iyo deegaano kale oo ku dhagan ayaa sheegaya in deegaanadaas ay ka socdaan dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab.
Dhaq dhaqaaqa ayaa xooggiisa wuxuu ka socdaa soodinta u dhaxeysa Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose oo kala hoostaga Maamulada Hirshabeelle iyo Kuufur-galbeed.
Dhaq dhaqaaqa ciidan ayaa waxaa wada ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo kasoo kala dhaqaaqay Degmooyin kala dhaca Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
Dadka ku nool deegaanka Basra iyo deegaano kale oo ay ka socdaan dhaq dhaqaaqa ciidan oo KNN la hadlay ayaa walaac ka muujiyay howgalka ciidanka ay wadaan kuwaas ka cabsanaya in kor kooda lagu dagaalamo, maadaama deegaanadaas ay yihiin kuwoo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.
Dhaq dhaqaaqa Ciidaan ayaa yimid ka dib markii shalay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe lagu soo gaba gabeeyay kulan looga hadlaayay amaanka deegaanada uu ka arimo Maamulka Hirshabeelle.