Baydhabo-KNN- Ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ayaa saakay dhaq-dhaqaaqyo ciidan waxaa ay ka wadaan Tuulooyin hoostaga Deegaanka Deynuunay ee Gobalka Bay.
Dadka Degaanka ayaa KNN u Sheegay in Ciidamada ay baaritaano ka sameynayaan tuulooyinka u dhow deegaanka Deynuuney ee Gobalka Bay.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa Sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab ay mararka qaar ku soo qaadaan Ciidamada ku sugan Deegaanka Deynuunay.
Shalay ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen Ciidamada Xoogga iyo AMISOM oo ku taala deegaanka Deynuunaye.


