Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Degaanka Goofgaduud buureey oo 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada baydhabo ee xarunta G/bay ayaa saaka sheegaya in halkaasi uu ka jiro dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada Xogga dalka iyo kuwa K/Galbeed Soomaaliya,kadib markii maalmaha ka hor degaankaasi ay isaga soo baxaan Ciidamada xogga iyo Kuwa K/galbeed oo fariiso halkaasi ku lahaa,ka bixitaankii ciidamada kadib Al-shabaab ayaa si buuxda degaankaasi gacanta ugu dhigay.
Wararkii ugu Dambeeyay ee saaka degaankaasi ka imaanaya ayaa tibaaxaya in ciidamada dowlada ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay dib u qabsadaan gacan ku haynta degaanka Goofgaduud buureey oo dhaca duleedka Magaalada baydhabo Ee Xarunta G/Baay.
Daddaka Degaanka ayaa waxaa ay Cabsi badan ka muujinayaan in Isku dhac uu dhex maro Ciidamada Xoogga iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in saakay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan Meel u dhow DegaankaGoofgaduud Buurey ee Gobalka Bay.
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, marar badan sidan oo kale ayey uga baxeen deegaanka Goofgaduud, waxaana deegaankaasi la wareegay dagaalamayaasha Al-shabaab, walow iyaguna ay dib u faarujiyaan.


