Balcad-KNN-Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada qeyba ka mid ah Labada Gobal ee Shabeelooyinka sida ay sheegayaan Saraakiisha Xoogga.
Ciidamada Dowladda ee ku sugana Furmaha dagaalka ee Nawaaxiga Basra iyo meelo kale ay wadaan dhaq dhaqaaq ciidan oo ay ku doonayaan in ay kaga gudbaan Basra Islamarkaana ay gaaraan Tuulooyin ay maamulaan Al-Shabaab.
Dadka ayaa ku soo waramaya in Ciidamo ka baxay Balcad ay ku wajahan yihiin Furamaha dagaalka si loo xoojiyo Ciidanka kale ee ku sugan Goobahaasi.
Dhinaca kale Ciidan kale oo ka tirsan Xoogga Soomaaliya ay ka baxayaan dhinaca degmada Afgooye Islamarkaana ay hore u dhaqaaqi doonaan.
Guud ahaan Gobalada Shabeelooyinka ayaa laga dareemayaa xiisadda maanta ka taagan waxa ayna Taliska Xoogga ee aaggaas sheegeyn in ay u dhaqaaqi doonaan Goobaha ay Al-Shabaab maamulaan.